Lyrics

Inanyahay adaan kaa helaa Kuu hanweynahay oo Inanyahay adaan adaan kula hayaa Kuna heelanoo Inanyahay adaa iga hantiya Hanka feedha hee Inanyahay adaan kaa helaa Kuu hanweynahay oo Inanyahay adaan adaan kula hayaa Kuna heelanoo Inanyahay adaa iga hantiya Hanka feedha hee Adigaan hurdada kaaga go'ay haakah iyo jiifee Adigaan hablaha tii aan arkaba kugu hilmaamaaye Adaan kuugu heesaa sidii hooyo ubadkeedee Adigaan hurdada kaaga go'ay haakah iyo jiifee Adigaan hablaha tii aan arkaba kugu hilmaamaaye Adaan kuugu heesaa sidii hooyo ubadkeedee Hadalkaagu way malab dawo iyo himirtii doocaane Muuqaal halaca sii deymada ishaad dareen hagaysaa Gadhka iyo halbawlaha baad gacan ku haysaayee Hidda raac jacayl bay hayee Hinda iga baanoo Hinda iga baanoo Hadalkaagu way malab dawo iyo himirtii doocaane Muuqaal halaca sii daymada ishaad dareen hagaysaa Gadhka iyo halbawlaha baad gacan ku haysaayee Hidda raac jacayl bay hayee Hinda iga baanoo Hinda iga baanoo Higsi durugsan hood iyo aqoon Aad ila hal maashay Niyad dabacsan dabacsan haybad iyo hanaan Hooyo ku aroortay Ayaan kugu hawaystoon Haween kaaga haybsaday Higsi durugsan hood iyo aqoon Aad ila hal maashay Niyad dabacsan dabacsan haybad iyo hanaan Hooyo ku aroortay Ayaan kugu hawaystoon Haween kaaga haybsaday Heemaalkaaga goortaan dersayee hubatiq qiimeeyay Ee aan kor iyo hoos u dayay heedhe quruxdaada Ayaan kuu hogaansamay sidii bacadle heeryaysan Heemaalkaaga goortaan dersayee hubatiq qiimeeyay Ee aan kor iyo hoos u dayay heedhe quruxdaada Ayaan kuu hogaansamay sidii bacadle heeryaysan Hadalkaagu way malab dawo iyo himirtii doocaane Muuqaal halaca sii deymada ishaad dareen hagaysaa Gadhka iyo halbawlaha baad gacan ku haysaayee Hidda raac jacayl bay hayee Hinda iga baanoo Macaan iga baanoo Hadalkaagu way malab dawo iyo himirtii doocaane Muuqaal halaca sii daymada ishaad dareen hagaysaa Gadhka iyo halbawlaha baad gacan ku haysaayee Hidda raac jacayl bay hayee Hinda iga baanoo Macaan iga baanoo Hadalkaagu way malab dawo iyo himirtii doocaane Muuqaal halaca sii deymada ishaad dareen hagaysaa Gadhka iyo halbawlaha baad gacan ku haysaayee Hidda raac jacayl bay hayee Hinda iga baanoo Hinda iga baanoo
Lyrics powered by www.musixmatch.com
instagramSharePathic_arrow_out