Lyrics

Laba eynigood iska eegtayoo iska aaminaa amaan mudanee indha caashaqoo isku ooyayoo is ilaashada amaan mudane axdigey dhigteen u adkeystayoo aroos galaa amaan mudanee Lamaane in doora jaceylka adkeye kalsooni abuuraa amaan mudanee aheey nasiibku intuu u ekaaday aroos galaa amaan mudanee ubax curdinoo is caashaqay baa aleylahee amaan mudanee Gayaan is doortaa ehelku taamaa arooskooda aqal la siista dhiga aslan iyo kabad la uunta ubax udgoonana lagu daadiya aleylahee amaan waad istaahishaa Eebow Eebow ubad kheyr leh sii Eebow U adeega sii Eebow inamiyo gabdhaba Eebow adeeca sii Eebow adaa baadhigee Eebow arzaaqna sii Eebow Umalka iyo dookha ilwaadka jaceylka udgoon ku beerma amaan mudanee laba ka ilaalshay nacabka ildheeye dhaqanku aroorshaa amaan mudanee afka hooyo iyo hidaha asalka awlaada tusaa amaan mudanee Laba araamida imtaxaanka jaceylka u adkeystaybaa amaan mudanee abaabulka guurka nolol istareex leh labeey u ahaata amaan mudanee laba ubadkooda ku ababshay islamnima barayba amaan mudanaa Bal eega eega ubaxani eega arkoo ila eega u adkeeystay eegaa Bal eega eega caweey u ahaatee haloo tumaa ee Bal eega eega Eebow Eebow ubad kheyr leh sii Eebow U adeega sii Eebow inamiyo gabdhaba Eebow adeeca sii Eebow adaa baadhigee Eebow arzaaqna sii Eebow arzaaq waasac sii
Lyrics powered by www.musixmatch.com
instagramSharePathic_arrow_out