Lyrics

Maxaan barye meel cidlaa kaligee ibarye Cadow badan igu qoslay qiso iga qoray Calafkeega inaan horta la imooday Cadaadiyo ceel kari la iga soo wacay Had ma guursan calafkaaga raadsan Cid walbaa ii tiri laakiin caawa heelay Yartaan ku riyoon jiray caawaan helay Ceyni dumar caqli badan caawaan helay Dhal culimo duceesan caawaan heelay Caaqil dhalay gardaadiye caawaan heelay Hooyo gaari ah carbisaa caawan heelay Camal wanaagsan cilmi i bartaan helay Caadil baa i siiyay xuural caytii dunidaa Soo cilaamo quruxeey oo babe Aan wada caweeno oo babe Cirka sare aadne babe Ila dheel ciyaarta oo babe Saar cageetka ila dheel oo babe Goobta wee camiran tahay oo babe Yartaan calfaday nimcaay oo babe Midaan calmaday hadaan helay caawa Cadaan iyo madow la ii tumi caawa Soo xatreeya bal kuligiina caawa Cirkaa ii jiro cabaar aniga caawa Midaan calmaday hadaan helay caawa Cadaan iyo madow la ii tumi caawa Soo xatreeya bal kuligiina caawa Cirkaa ii jiro cabaar aniga caawa Hooyo caziizo iyo aabo qaliif ba yiri Yartu waa ceeblee yeenan ciishoonin Caro iyo caqabna ka ilaali Ceel bardiyo huuno dhulka cagaarka ahaa Caaqilada coowsha qani cadka ee dagaan Boqortooyada cigala carigee dagaan Dogob iyo bacaad weyn xirsigu dagaan Caradeena hodan dalxiis haloo geeyo Cadeey inanteena dalxiis haloo geeyo Codcod iyo caano geel quraac uga dhiga Yarta lama ciilo lama huuno canaanto Cida ee ka dhalatay neh boqortooye weeye Cumarka carada huuno ka taliyaa dhalay Aabo curad dhalay oo cartami baa dhalay Markaan cabiray yarta caqligeedana I cajabiysayee oo waan caashaqay Is calfanayee na caleema saara Cimri dheer iyo ubad caafimaad qaba Caasi noqoneenin caadil nooga tuuga Yartaan calfaday nimcaay oo babe Midaan calmaday hadaan helay caawa Cadaan iyo madow la ii tumi caawa Soo xatreeya bal kuligiina caawa Cirkaa ii jiro cabaar aniga caawa Midaan calmaday hadaan helay caawa Cadaan iyo madow la ii tumi caawa Soo xatreeya bal kuligiina caawa Cirkaa ii jiro cabaar aniga caawa
Writer(s): Abdikadir Muse Bashir Lyrics powered by www.musixmatch.com
instagramSharePathic_arrow_out